Home Wararka Maanta Yariisow oo qaswadayaal ku tilmaamay Xildhibaano & Odayaal ku kulmay Muqdisho

Yariisow oo qaswadayaal ku tilmaamay Xildhibaano & Odayaal ku kulmay Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Xildhibaano & Odayaal maanta kulan ku yeeshay Muqdisho oo arrimaha maqaamka Muqdisho ka hadlay.

Yariisow oo Wareysi gaar ah siiyay Tvga Dalsan ayaa qaswadayaal ku tilmaamay Xildhibaanadaasi, isaga oo sheegay in shaati qabiil ay huwan yihiin oo aysan wadin dano ku saabsan Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay maqaamka Muqdisho & Arrimaha Gobolka Banaadir inay masuul ka yihiin shacabka Magaalada oo Maamulkooda kala tashanaayo arrintaasi.

“Caasimada anigaa guddoomiye ka ah duq magaalana ka ah shacabka arrimaha caasimada iyo maqaamkeedana shacabka soomaaliyeed oo aan wakiil ka ahay ayaan ka wadatashanay.”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Hadalka Gudoomiye Yariisow ayaa ah mid si toos ah uu uga jawaabayo hadalka Xildhibaanada & Odayaasha ka soo yeeray ee arrimaha Maqaamka Muqdisho ku saabsan.

Odayaal & Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Banaadir oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatada xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho & Maqaamka Gobolka Banaadir.

SHARE