Home Wararka Maanta Xoogga Dalka oo sheegay in la soo afjaray hawlgalkii duleedka Baardheere

Xoogga Dalka oo sheegay in la soo afjaray hawlgalkii duleedka Baardheere

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegeen inay soo geba-gabeeyeen hawlgalkii ay ka wadeen duleedka Degmada Baardheere.

Korneyl Cismaan Sheekh Cabdi, Abaanduulaha Guutada 10aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wuxuu maanta sheegay in saddex maalmood ka dib ay soo afjareen hawlgalkii ay ka wadeen Deegaanka Daar Macalin.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay Sabtidii iska caabin culus kala kulmeen maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ka dib markii ay ku dhaqaaqeen Deegaanka Daar Macalin oo Shabaabka ay ku uruurinayeen xoolo ay ku sheegeen inay Zakaawaat yihiin.

Abaanduulaha Guutada 10aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa uu tilmaamay in intii uu hawlgalku socday inay ku dileen 14 ka mid ah Shabaabka, oo Saraakiil ay ku jiraan.

Abaanduulaha oo u waramay Warbaahinta Dowladda ayaa intaa ku daray in hawlgalka ay ku burburiyeen gaadiid dagaal, sidoo kalena ay saanad hub ah kaga soo furteen maleeshiyada Al Shabaab.

Koneyl Cismaan Sheekh Cabdi ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab ku eedeeyay inay caadeysteen boobka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, ha yeeshee aanay gacmana ka laaban doonin.

Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Korneylka ayaa wararka laga helaayo Deegaanka Daar Macalin ay sheegayan in maleeshiyada Shabaabka ay dib ugu soo laabteen halkaasi.

Lama soo sheegin wax dhibaato ah oo Shabaabka ay kula kacayn dadka deegaanka, ka dib ku soo laabashadoodii Daar Macalin.

SHARE