Home Wararka Maanta Xildhibaanada Labada Aqal oo la kulmay Guddiga Doorashada Jubbaland (SAWIRRO)

Xildhibaanada Labada Aqal oo la kulmay Guddiga Doorashada Jubbaland (SAWIRRO)

Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay galabta magaaladaasi kula kulmeen Guddiga Doorashada Jubbaland.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada la kulmay Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen Guddiga.

Xildhibaanka ayaa yiri “Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ah ee ku sugan Kismaayo waxay maanta xafiiskooda Kulan kula qaateen Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, ayagoo warbixin waafi ka bixiyay geedi-socodka hannaanka doorashada hay’adaha dastuuriga ee lagu wado in ay ka dhacdo Jubbaland.”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale yiri “Guddoomiyaha Guddiga Xamze Cabdi Aar ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii u qabsoomey tan iyo markii la dhisay iyo hawlaha u dhiman, ayadoo Xildhibaanada Federaalku ay su’aalo dhawr ah weydiiyeen, kulana dardaarmeen In doorashada oo ah masuuliyad weyn ay si daahfuran ay u dhacdo.”

Fiqi ayaa ugu dambeen yiri “Guddiga oo la dhisay bishii Maarso 2019, waxaa loo soo tababaray hawlaha doorashooyinka, waxaana tababarkooda gacan ka gaystey Urur Goboleedka IGAD, waxayna u muuqdeen kuwo shaqadooda yaqaana, kuna filan.”

Xildhibaanada Labada Aqal ayaa waxay kulan Madaxtooyada Magaalada Kismaayo kula leeyihiin Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

SHARE