Home Wararka Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulan xasaasi ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulan xasaasi ah

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya ayaa lagu wadaa maanta inay yeeshaan mid ka mid ah kulamada xasaasiga ah ee Golaha.

Kulanka maanta oo ah mid muhiim ah ayaa Ajandahiisu wuxuu yahay Akhrinta labaad Sharciga doorashooyinka Qaranka, kaasi oo todobaadkii  lasoo dhaafay loo qaybiyay.

Xalay ayaa waxaa lagu wargeliyay Xildhibaanada in uu ku jiro kulanka, isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa kusii ku qul-qulaya Xarunta Villa Hargeysa, waxaana inta uu socdo kulanka looga doodi doonaa Sharciga doorashooyinka Qaranka, iyadoona Xildhibaanada ay dood adag ka yeelan doonaan sharcigaas.

Golaha shacabka Somaliya ayaa ahmiyad gaar ah siinaya Sharciga doorashooyinka Qaranka, maadaama la filaayo in dalka doorasho ay ka dhacdo dhawaan.

SHARE