Home Wararka Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga Doorashooyinka (SAWIRRO)

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka dooday Sharciga Doorashooyinka (SAWIRRO)

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay maalintii labaad ka doodeen Sharciga Doorashooyinka Qaranka, oo ay soo diyaariyeen Guddiga Baarlamaanka ee Doorashooyinka.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa ku jiray sii wadida doodda akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, u codaynta heshiisyada kala ah A: Heshiiska Ilaalinta Hidda Dhaqameedka aan la taaban karin B: Heshiiska khuseeya Ilaalinta Hiddaha Dhaqanka iyo Hiddaha Dabiiciga ah iyo

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay dood adag ka yeesheen Sharciga Doorashooyinka Qaranka, xilli aanay weli kala cadayn nooca ay doorashooyinka noqon doonaan.

Beesha Caalamka ayaa waxay dhabarka ka riixeysaa in Doorashooyinka Qaranka ay noqdaan qof iyo cod, balse Xildhibaanada waxay qaarkood aaminsan yihiin inaanay taasi xilligan suurtagal ahayn.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wadaa in Sharciga Doorashooyinka Qaranka ay ansaxiyaan kulankooda xigga, inkastoo ay macquul tahay in dib u dhac uu ku yimaado, horeyna ay doodoodu u sii wataan.

SHARE