Home Wararka Maanta Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug oo Gudoomiye KMG doortay

Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug oo Gudoomiye KMG doortay

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo maanta kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa doortay Gudoomiye KMG ah.

Xildhibaan Xasan Keynaan Xalane ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Galmudug, si uu xilka u sii hayo inta laga soo dooranayo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayaa maalmaha soo socda sii wadi doono kulamadooda, ay ku yeelanayan Magaalada Dhuusamareeb.

Inkastoo aan weli la soo saarin jadwalkii lagu dhaqaajin lahaa Doorashada Galmudug ayaa waxay hadana Xildhibanadu qaban qaabin doonaan guddi ka shaqeeya Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Wakiilada Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira iyo kuwa Villa Somalia ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka wada kulamo, aad adkeyso in loogu loolamayo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenkiisa.

Illaa iyo hadda waxaa jira dhawr xubnood oo dhinacyada siyaasadda la kala safan, kuwaa oo isu soo sharaxay jegada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Kuxigeenka.

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa adkeeyay amniga magaalada, iyagoona u muuqdo kuwo ka feejigan weeraro ka dhaca magaaladaasi.

SHARE