Home Wararka Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Yaa xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Cabdi Xakiin Dhoobo.

Fadhi deg deg ah oo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay ku yeesheen Magaalada Garowe, uuna shir Gudoominaayay Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Puntland ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyaha.

Xildhibaannada ayaa dood dheer ka yeeshay mooshinka oo ay saxiixeen 44 Mudane,waxaana kulanka ku sugnaa 53 Mudane, iyada oo Xildhibaannada ay xilkii ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed.

49 Xildhibaan ayaa u codeysay xilka ka qaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, halka ay ka aamuseen Afar Xildhibaan.

Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay sidaasi in xilkii looga qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

SHARE