Home Wararka Maanta Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka oo maanta xilka wareejiyay (Daawo)

Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka oo maanta xilka wareejiyay (Daawo)

Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa wuxuu maanta xilka ku wareejiyay Xeer Iaaliyaha cusub ee Qaranka, Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa 25-kii bishii hore ee November xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka, isagoona mid cusub soo magacaabay.

Munaasabad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayuu xilka ku wareejiyay Dr. Axmed Cali Daahir, Xeer Ilaaliyihii hore ee Qaranka.

Xeer Ilaaliyihii hore oo ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ayaa wuxuu sheegay in uu maanta ku faraxsan yahay halka uu maraayo Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo qofka uu xilka ku wareejinayo, oo uu sheegay in uu ku qancay kartidiisa iyo aqoontiisuba.

Sidoo kale waxaa uu Shaqaalaha Xafiiska Xeer Ilaalinta uu kula dardaarmay inay la shaqeeyan Xeer Ilaaliyaha cusub ee booskiisa loo soo magacaabay.

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta xilka kala wareegay Dr.Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyihii hore.

Gepostet von Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Soomaaliya am Montag, 2. Dezember 2019
SHARE