Home Wararka Maanta Weeraro dhinaca cirka oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

Weeraro dhinaca cirka oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weeraro dhinaca cirka oo siyaabooyin kala duwan Ururka Al Shabaab loogula beegsaday saldhigyo ay ku leeyihiin deegaano ku yaala Gobolka Shabellaha Hoose.

Duqaynta hore ayaa waxay Khamiistii ka dhacday Deegaanka Janaale, halkaasoo lagu beegsaday maleeshiyaad Shabaabka ka tirsan, oo sida la sheegay xilligaa ku guda jiray aas u samaynayeen dagaalyahano looga dilay weerarkii ay Arbacadii ku qaadeen Degmada Awdheegle.

Duqayntan ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, halka tiro kalena looga dhaawacay.

Duqaynta labaad ayaa waxay ka dhacday Deegaanka Mubaarak oo Al Shabaab ay ka arrimiso, waxaana la sheegay in duqayntaasi ay waxyeelo buuran ka soo gaartay maleeshiyada Al Shabaab.

Idaacadda SNA oo ku hadasha afka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa baahisay in duqayntaasi lagu dilay kow iyo labaatan xubnood oo Shabaabka ka tirsanaa, halka 37 kalena lagu dhaawacay.

Sida ay tebisay Idaacadda SNA duqayntan ayaa xubnaha Shabaabka lala beegsaday, xilli ay ku guda jireen diyaarinta walxaha qarxa.

Duqaymahan ayaa waxaa gaystay diyaaradaha dagaalka ee dalka Mareykanka laga leeyahay, iyadoona ay ka qayb qaateen Ciidanka Xoogga Dalka, sida ay sheegtay Idaacadda SNA.

Weerarada Shabaab lagula beegsaday Janaale & Mubaarak ayaa waxay ku soo beegmayan, xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay Gobolka Shabellaha Hoose ka wadaan hawlgalo ka dhan ah mintidiinta Shabaabka.

SHARE