Home Wararka Maanta Weerar Madaafiic oo lagu qaaday Saldhiga Ciidamada dowladda ee Magaalada Baledweyne

Weerar Madaafiic oo lagu qaaday Saldhiga Ciidamada dowladda ee Magaalada Baledweyne

Sida ay sheegayaan wararka aanka helayno Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Al Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah waxa ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Magaaladaasi.

Xalay fiidkii ayaa la sheegay dagaalyahano ka tirsan Shabaab inay tiro madaafiic ah ka tuureen Wabiga Jiinkiisa, waxaana ay ku tuureen Saldhigga Ciidamada dowladda ee Xerada Lamagalaay.

Madaafiicda ayaa la sheegay inay gaarayeen illaa Shan madfac oo qaarkood Xerada gudaheeda ay ku dhaceen, inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay ee soo gaaray Ciidamada dowladda.

Saraakiisha Ciidamada Militariga Somaliya ayaa baaris ay sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in madaafiicda Shabaab ay ka soo tuureen Wabiga Jiinkiisa, islamarkaana ay ka baxsadeen goobtii ay ka soo rideen Madaafiicdaasi.

Waxa kale oo ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Militariga in la tixraacay raadka meeshii laga soo tuuray madaafiicdaasi, balse illaa hadda aysan jirin cid ay u soo qabteen Ciidamada dowladda Somaliya.

Al Shabaab ayaa Madaafiic iyo weeraro qal qalgelin amni waxa ay ka gaystaan Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo muddooyinkii dambe ammaankeeda uu ahaay mid wanaagsan.

SHARE