Home Wararka Maanta Weerar ku bilowday Qarax Ismiidaamin oo ka socda Awdheegle

Weerar ku bilowday Qarax Ismiidaamin oo ka socda Awdheegle

Wararka aan ka helayno degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay qarax Ismiidaamin ah, kaas oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmadaas.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in lagu weeraray Saldhig ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Awdheegle, iyada oo uu jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas, iyada oo ay dag tahay in la helo wararka rasmiga ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in qaraxa kadib uu bilawday dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo uurka Al-Shabaab oo weerarka qaraxa ku bilaawday ku qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda ee degmada Awdheegle.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab ayaa todobaad ka hor waxaa ay Al-Shabaab kala wareegeen degmada Awdheegle oo mudo dhowr sano ah ay maamulayeen.

Dagaal culus ayaa lagu soo waramayaa inuu wali ka socdo Degmada Awdheegle, walina lama oga inta uu la eeg yahay Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

SHARE