Home Wararka Maanta Weerar ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Weerar ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Weerar ismiidaamin ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ka dib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Hotelka Cas Casey.

Wararka ayaa sheegaya in nin naftii hallige ahaa oo la socday gaarigaasi uu beegsaday afaafka hore ee hotelkaasi, oo ku dhow Aargada Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in aagga hotelka laga maqlayo rasaas xoogan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in rag hubeysani ay gudaha u galeen hotelkaasi.

Wariye-yaasha Magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in xaaladda magaalada ay aad u kacsan tahay, isla-markaan ay ciriiri tahay isgaarsiinta Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Hotelka oo ah mid amnigiisa aad loo ilaaliyo ayaa waxaa degan qaar ka mid ah murashaxiinta Jubbaland iyo weliba dad qurbajoog ah.

La-soco wixii ku soo kordha.

SHARE