Home Wararka Maanta Wasiirka Arrimaha dibadda oo beeniyay Itoobiya inay dhex dhexaadinayso Somaliya & Kenya

Wasiirka Arrimaha dibadda oo beeniyay Itoobiya inay dhex dhexaadinayso Somaliya & Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay wararka la xiriira in Dowladda Itoobiya ay dhex dhexaadinayso Somaliya & Kenya xilli labada dal Khilaafka ka dhashay arrinta badda uu ka dhaxeeyo.

Warbaahinta Kenya ayaa ku warantay in dowladda Itoobiya ay qorsheynayso dhex dhexaadinta muranka badda ee labada dal, islamarkaana labada Madaxweyne Addis Ababa ay ku kulmi doonaan.

Hadalkaasi waxaa Waxba kama jiraan ku tilmaamay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo sheegay inuu yahay war been abuur ah wararka sheegaya in labada Madaxweyne ay kulmi doonaan.

“Ma jiraan dowlado dhexdhexaadin ka dhex wada Somaliya iyo Kenya, oo doonaya in xaaladda ay wada hadal ku dhameeyaan.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya.

Dowladda Somaliya ayaa ku adkeysanaysa kiiska muranka badda Somaliya inay go,aan rasmi ah ka gaarto maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo kiiskaasi uu horyaalo.

Kenya ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan inay isku dayeyso in wada hadal hoose laga galo arrimaha muranka badda Somaliya.

SHARE