Home Wararka Maanta Wasiir Maareeye oo ka soo dabcay mowqifkiisii

Wasiir Maareeye oo ka soo dabcay mowqifkiisii

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa wa-xoogaa ka soo dabcay mowqifkiisii, uu Khamiistii kaga horyimid warbixintii ugu dambeysay ee Hay’adda Amnesty International.

Hay’adda arrimaha xuquuqda aadanaha ka shaqaysa ee Amnesty International ayaa 12-kii bishan soo saartay warbixin ay kaga hadleysay dhibaatada lagu hayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed, taasoo sida warbixinta lagu xusay ay qayb ka tahay Dowladda Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya oo Khamiista soo saaray war uu kaga hadlayay warbixintaasi ayaa si aan laga fiirsan uga bari-yeelay dowladda doorka, ay ku leedahay dhibaatada ballaaran ee dalka loogu gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka oo Jimcihii la hadlay BBC ayaa yiri “Waxaan qirayaa in dadka Soomaaliyeed iyo Wariye-yaashuba meelo badan oo dalka ah ay cabsi ku nool yihiin. Cabsidaasoo ay keentay argagixisadu. Marka Wariye-yaashu waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaan meelo badanoo dalka ah cabsi inay ku noollaadaan, inay xornimo u heli waayaan waxa ay rabaan inay sameeyaan.”

Markale waxaa uu yiri “Dowladda Soomaaliyeed waa meel lagu soo cararo, waa meel sharci ka jiro, meel uu nidaam ka jiro, waana meel shuruucda oo dhan ay ogol yihiin xornimada hadalka iyo Warbaahinta ay ka jirto.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dabeecad ahaan umadda Soomaaliyeed waa umad waranta oo inaba aanay suuragal ahayn in la caburiyo. Anagana siyaasiyan iyo sharciyan midna nooma ogola inaan Warbaahinta caburino amaba macluumaadka u diidno.”

Wasiirka oo wax laga weydiiyay eedeymaha dowladda loo jeediyay ee ah inay ku lug leedahay dhibaatooyinka dalka loogu gaysto Saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyay in meelaha qaarkood ay dhici karto inuu ka dhaco kiisas ka dhan ah Saxafiyiinta.

“Anagoo ah dowlad sharciga ku dhaqanta bani’aadamka khaladaad meelaha qaarkood waa ka dhici karaa, hal kiis ama laba kiis, meel uun waa dhici kartaa.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta Somaliya.

Wasiir Maareeye ayaa tilmaamay in Saxafiyiinta ay toos ah ugu xiran yihiin Wasaaradda Warfaafinta, ayna ka caawiyaan xilliyada qaarkood meelaha ay caqabadaha kala kulmaan, ha yeeshee aanay jirin meel ay dowladda si toos ah ugu caburiso Saxafiyiinta.

“Wariye-yaashu toos bay ugu xiran yihiin wasaaraddu, habeen iyo maalin waan wada shaqaynaa. Mar marka qaarkood meelaha haddii caqabad ka qabsato, wixii karaankayaga agaasin baan u leenahay waan ka caawinaa, laakiin ma jiro si ku talagala dowladdu meel ay Wariye-yaashu wax ugu gaysatay, ku caburisay ama macluumaad ay doonayaan ugu diiday.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Markaad milicsato jawaabtan ugu dambeysay ee Wasiir Maareeye uu ka bixiyay warbixintii Hay’adda Amnesty ayaa garowsan kartaa in uu wa-xoogaa ka soo dabcay qoraalkiisii uu sida guud ugu beeniyay eedeymaha ah in ay dowladdu qayb ka tahay tacadiyada dalka loogu gaysto Wariye-yaasha, xilli la fahamsan yahay inay daruufo adagi ku shaqeeyan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE