Home Wararka Maanta Wasiir Ducaale oo sheegay in dhegxaanta laga qaadayo wadooyinka Muqdisho

Wasiir Ducaale oo sheegay in dhegxaanta laga qaadayo wadooyinka Muqdisho

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Somaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu socdo qorshe lagu doonayo in dhegxaanta looga qaado wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in dhawaan dhegxaanta laga daad-gurayn doono Wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho, kuwaa oo sida uu sheegay la gayn doono Wadada Warshadaha iyo wadooyinka kale ee magaalada soo gala.

Wasiirka oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa qirsan in dhegxaanta ku go’an wadooyinka magaalada, ay caqabad ku yihiin isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Caasimadda Muqdisho.

Waxaa soo hadalqaaday in Dowladda Soamliya uu waajib ka saaran yahay xaqiijin amniga, isla-markaana ay fahamsan tahay inay dhegxaanta qayb ka yihiin dadaalada lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in kontoroolada gaadiidka lagu hubiyo ay Al Shabaab ka hor istaageen inay qaraxyo uu dhiig badani ku daadan karo, ay ka gaystaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa xusay in maleeshiyada Al Shabaab ay ku adkaatay inay qaraxyo soo geliyaan gudaha Magaalada Muqdisho, markaad fiiriso qaraxii xooganaa ee 28-kii bishii December ka dhacay Isgoyska Ex Control Afgooye.

Waxa uu intaa ku daray inay dowladdu xoojin doonto tallaabooyinka ay kaga hortageyso maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay ku xaqiijinayso nabadgelyada Muqdisho.

Hadalka Wasiir Islow ayaa ku soo aadaya, xilli masuuliyiin kala duwan ay marar badan sheegeen in dhegxaanta laga qaadi doono wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho, tiiyoo wax ka dhaqangalay aan la arkin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE