Home Wararka Maanta Wasaaradda A/Gudaha oo magacowday Guddiga farsamada dhismaha Galmudug

Wasaaradda A/Gudaha oo magacowday Guddiga farsamada dhismaha Galmudug

Iyadoo la qorsheynaayo in la dhiso Galmudug cusub ayaa Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowladda Federalka Somaliya waxa ay soo saartay Magacyada Liiska Guddiga Farsamada ee dhismaha Maamulka Galmudug.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowaldda Federaalka ah ayaa lagu sheegay in ay dhistay Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug.

Waxaa sidoo kale dowladdu sheegtay in xarunta dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug noqoneyso caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 xubnood oo kala matalaya beelaha dega Galmudug.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in Guddiga ay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye, ku xigeenka iyo xubnaha kale ee la shaqeynaya.

Magacyada Xubnaha Guddiga farsamada ee dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kala ah.

Maxamed Cumar Warsame Afrax

C/Qaadir Nuur Carraale

Axmed Maxamed Caafi

C/Risaaq Kaahiye Yuusuf

Cumar Maxamuud Cabdi

Xuseen Cabdulle Xasan

Maxamed Daahir Faarax

C/Naasir Geelle Cilmi

Xaliimo Cabdi Cali

Maxamed Maxamuud Cali

C/Risaaq Aadan Warsame

Abshir C/Raxmaan Maxamed

C/Rashiid Cali Salaad.

SHARE