Home Wararka Maanta Wariyihii lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb oo la sii daayay

Wariyihii lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb oo la sii daayay

Waxaa xabsi ku yaala Magaalada Dhuusamareen laga sii daayay Wariye Saciid Cismaan Gabeyre oo ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wariyaha oo hal habeen ka hor xabsiga la dhigay ayaa xalay laga sii daayay xabsi ku dhex yaala Xarunta Taliska Asluubta oo ku dhow Saldhiga Booliska Dhuusamareeb.

Xariga Wariyaha ayaa yimid markii ganacsato, siyaasiyiin iyo Xildhibaano Baarlamaanka Galmudug ka tirsan ay qoonsadeen warar uu Wariyuhu qoray.

Dadaalo ay sameeyeen odayaasha iyo waxgaradka reer Dhuusamareeb iyo qoyska Wariyaha ayaa suurta-gelisay in laga soo sii daayo xabsigii uu ku xirnaa.

Wariye Saciid Cismaan Gabeyre oo la shaqeeya warbaahin ay Dhacdo.com ka mid tahay ayaa xaqiijiyay in xoriyadiisa uu dib u helay.

Wariyaha ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, marka laga soo taggo in muddo afar iyo labaatan saac uu ku xirnaa xabsi lagu xiro dadka gaysta dembiyada culus, sida dilka.

Saciid Cismaan ayaa odayaashii iyo waxgaradkii ka soo shaqeeyay sii deysmadiisa kaga mahadceliyay tallaabada uu dib ugu helay xoriyadiisa.

SHARE