Home Wararka Maanta Wariye Xuseen Cali Geesey oo damaanad lagu sii daayay

Wariye Xuseen Cali Geesey oo damaanad lagu sii daayay

Wariye Xuseen Cali Geesey oo ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Koonfur Galbeed ayaa xalay dib u helay xoriyadiisa, ka dib saacado badan oo uu xirnaa.

Wariye Xuseen Cali Geesey ayaa maalintii Talaadada waxaa lagu xiray Saldhiga Booliska Degmada Buurhabaka, markii lagu soo eedeeyay inuu Facebook ku qoray warar liddi ku ah Koonfur Galbeed.

Wariyaha oo ka hawlgala Telefishinka Five Somali ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ayaa lagu sii daayay damaanad ah inaanu dib dambe u baafin doonin warar ka dhan ah maamulka.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Booliska Buurhabaka, Cabdi Maxamed Axmed uu Wariyaha kaga digay in mar labaad uu ku soo laabto xabsiga.

Taliska Ciidamada iyo Maamul Goboleedyada ayaad mooddaa inaanay dulqaad u lahayn kolka war aanay jecleysan ku arkaan barraha bulshada.

Maamulada dalka ka jira ayaa waxaa lagu dhaliilaa inay si khaldan u fahmeen adeegsiga barraha bulshada, iyagoo qaarkood ka samaystay kooxo ay ku weeraraan dhinacyada ay siyaasadda dalka isu hayaan, dulqaadse uma laha marka lagu baahiyo qoraalada lagu saxayo khaladaadkooda.

Somaliya ayaa ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo, iyadoo loogu gaysto handadaad/cago jugleen, xarig iyo dilba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE