Home Wararka Maanta Wariye lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb

Wariye lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in lagu xiray mid ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala magaaladaasi.

Wariyaha oo lagu magacaabo Saciid Cismaan Gabeyre ayaa waxaa xalay soo xiray Ciidamada Booliska Dhuusamareeb, ka dib markii ay hoygiisa ka soo kaxeysteen.

Wariyaha ayaa waxaa la sheegay in lagu xiray xabsi ku dhex yaala Taliska Asluubta, oo ku dhow Saldhiga Booliska ee Degmada Dhuusamareeb. Xariga Wariyaha oo goor dambe soo baxay ayaa keentay teleefanadii xiriirka dadka oo laga qaaday.

Wararka ayaa sheegaya in Wariyaha ay soo ashtakeeyeen ganacsato, siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ka tirsan, kuwaa oo ay isu heyb yihiin. Dhinacyadan ayaa markii hore sheegay in uu qoray warar iyaga liddi ku ah.

Saraakiisha Taliska Asluubta ayaa waxay ka horyimaadeen in ay xabsiga geliyaan Wariyaha, ka dib markii ay Ciidamada Booliska ka soo kaxeeyeen hoygiisa. Saraakiisha waxay dalbadeen in cadayn sax ah la keeno, haddii kalena aanay xiri doonin Wariyaha, balse dhinacyadii dalbanayay in la xiro oo Xarunta Taliska Asluubta yimid ayaa markii dambe ku dooday in iyaga aanay ahayn dadka doonaaya in la xiro, balse ay hooyadii ka dalbatay in ay u soo xiraan.

Wariyaha oo la shaqeeya warbaahin ay Dhacdo.com ka mid tahay ayaa markaasi ka dib lagu xiray xabsi ku dhex yaala Xarunta Taliska Asluubta. Xabsigan ayaa ah midka lagu xiro dadka dilalka gaysta, isla-markaana aan dadka caadiga lagu xirin.

Qoyska Wariyaha ayaa Dhacdo.com u sheegay in ciidamada ay ka horjoogsadeen quraac iyo qado ay maanta xabsiga ugu geeyeen, laguna amray in raashiinka dib ugula noqdaan hoygooda.

Dhanka kale waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in xabsiga looga soo sii daayo Wariyaha. Wariyaha oo hooyadii soo hadashayna waxay sheegtay inaanay iyadu dalban in wiilkeeda la xiro.

Xariga Wariye Saciid Cismaan Gabeyre ayaa ku soo aadaaya, xilli Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay ku kala xiran yihiin laba Wariye. Wariye Daauud Cabdi Daauud ayaa ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, halka Wariye C/qaadir Barre Macalin uu ku xiran yahay Gaalshiraha Magaalada Baydhabo.

Iyadoo Wariye-yaasha Soomaaliyeed ay daruufo adagi ku shaqeeyaan ayaa hadana si joogto ahi loogu dhibaateeyaa gudaha dalka. Kooxaha ugu tunka weyn ee Somaliya amaba ku gacan sareeya siyaasadda dalka ayaa caadeystay waxyeelaynta Saxafiyiinta.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo. Wariyaha Somaliya ka hawlgala ayaa waxaa dhici karta inta uu shaqadiisa ku guda jiro in la dilo, la dhibaateeyo, la xiro amaba loo cago-jugleeyo.

SHARE