Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Buurhakaba

Wararkii ugu dambeeyay Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Buurhakaba

Qarax xoogan ayaa lala eegtay Bar-kontorool oo ciidamada ammaanka ay lacagta Canshuurta uga qaadaan Gaadiidka ka baxa iyo kuwa gala Magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Qaraxan oo ka dhashay Miinada dhulka lagu aaso ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka la bartilmaameedsaday.

Ciidamada Dowladda ayaa bilaalabay baaritaanada ku aadan Qaraxan, waxayna soo xireen shaqsiyaad lagu tuhmaayo inay falkan wax ka ogaayeen.

Dhanka kale Amniyaad ka tirsan Shabaab ayaa bartamaha Magaalada Buurhakaba ku toogtay nin magaciisa lagu soo koobay Mukhraar Subagle oo ka tirssnaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo.

Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilkan ayaa tilmaamay in weerarkan uu qeyb ka yahay weerarada lagu beegsanayo xubnaha ka qeyb galay Doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Masuuliyiinta laamaha ammaanka Koonfur Galbeed ilaa hadda war kama aanay soo saarin falalkan amniga ka baxsan ee ka dhacay Magaalada Buurhakaba, balse waxaa socda baaritaano amni xaqiijin ah.

SHARE