Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay Qarax askar ku dhinteen oo xalay ka dhacay duleedka...

Wararkii ugu dambeeyay Qarax askar ku dhinteen oo xalay ka dhacay duleedka Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax Khasaare gaystay oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya xilli ay ka soo laabteen duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

Askartaan oo ka tirsan Ciidamada Booliska dowladda ayaa wararka waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ku qabsaday nawaaxiga deegaanka Siinka dheer gaar ahaan wado jaay ah oo ka soo baxda dhanka Degmada Kaxda.

Inta la xaqiijiyay Afar Askari oo Ciidamada Booliska ayaa dhintay, waxaa kale oo dhaawacmay Saddex kale sida ay sheegayaan warar aan ka helnay Saraakiisha Booliska.

Qaraxaasi ayaa waxaa lala eegtay Saraakiil uu ka mid yahay Farxaan Qaroole oo ah Taliyaha Ciidamada Haramcad & Maxamed Qadar oo ah Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar weyne.

Qaraxa wuxuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee gaadiidka ku soo booda, waxaana jugteeda xalay laga maqlay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

Ciidankaan qaraxa miinada lagu dilay ayaa xalay ka soo laabtay Ciidan cusub oo la dajinaayay deegaanka Kaxda, halkaasi oo laga soo bedelay Ciidan horay u joogay.

SHARE