Home Wararka Maanta Wakiilada Caalamka oo warbixin ka soo saaray Doorashada Jubbaland

Wakiilada Caalamka oo warbixin ka soo saaray Doorashada Jubbaland

Wakiilada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay oo Khamiistii booqasho ku tagay Magaalada Kimaayo ayaa si wadajira warbixin uga soo saaray xaaladda murugsan ee ka taagan Jubbaland.

Wakiiladan ayaa ka digay in haddii aan xaaladda cakiran xal loo helin ay xasilooni-darro u horseedi karto Maamulka Jubbaland, waxayna ku baaqeen in xasiloonida Jubbaland la ilaaliyo.

Wakiilada ayaa waxay warbixintoodan ku sheegeen in hannaan keliya loo maro Doorashada Madaxtinimada Jubbaland, isla-markaana ay doorashadu noqoto mid loo dhan yahay.

Sidoo kale Wakiilada waxay dhinacyada Jubbaland isu haya ay ugu baaqeen inay ka fogaadan wax kasta oo keeni kara in la dagaalamo, loona baahan yahay in khilaafkoodu ku xaliyan si nabdoon.

Warbixinta Wakiilada Midowga Afrika, IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa waxay timid, markii ay Magaalada Kismaayo Khamiistii kula kulmeen Madaxda Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

19-ka bishan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Kismaayo lagu doorto Madaxweynaha Jubbaland, inkastoo midowga musharaxiinta ay ka biyo diidan yihiin hannaanka ay doorashada u qaban-qaabinayan Guddiga Doorashada Jubbaland.

SHARE