Home Wararka Maanta Wafdiga Shariifka oo gaaray Magaalada Baledweyne (SAWIRRO)

Wafdiga Shariifka oo gaaray Magaalada Baledweyne (SAWIRRO)

Wafdiga uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Xisbiyada Madasha Qaran, Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay goor dhow ka daggeen Garoonka Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ee Magaalada Baledweyne.

Wafdigan ayaa waxay Magaalada Baledweyne gaareen, xilli muddo saacado ah maanta lagu xanibay Garoonka Aadan Cadde e Magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ay ku sigteen inay diyaaradda u diidaan in ay ka soo cago dhigato Garoonka Ugaas Khaliif.

Diyaaradan ayaa waxaa la sheegay in laga densaday raadeerada ku xiran Garoonka Ugaas Khaliif, iyadoo muddo kooban ay hawada ku hakatay, inkastoo markii dambe ka soo cago dhigatay Garoonka, xilli la sheegay inaanay jirin cid hageysay.

Waxaa muuqata in Villa Somalia ay juhdi ku bixisay, sidii Siyaasiyiinta Xisbiyada Madasha Qaran uga joojin laheyd safarkooda Magaalada Baledweyne.

Tani ayaa waxaa sabab looga dhigay iyadoo maanta la qorsheynayay inay Magaalada Baledwyne gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

Siyaasiyiintan ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in laba boqol kun oo dollar ay ugu talagaleen dadka ay saameeyeen fatahaadaha Webiga Shabelle. Ujeedada ay maanta Baledweyne u tageyna ay la xiriirto, sidii ay xaaladda barakacayaasha u qiimayn lahaayen.

SHARE