Home Wararka Maanta Wafdiga Madaxweynayaashii hore oo loo fasaxay inay Garoonka ka duulaan

Wafdiga Madaxweynayaashii hore oo loo fasaxay inay Garoonka ka duulaan

Kadib markii saacado lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed, ayaa goor dhaweyd waxaa la fasaxay diyaaradii qaadi laheyd xubnaha Wafdigaasi.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha shacabka Somaliya ayaa bartiisa xiriirka Bulshada wuxuu ku xaqiijiyay saacado kadib in la fasaxay xubnaha Wafdigaasi oo Baledweyne ay u dhoofeen.

Xasan Sheekh Maxamuud & Shariif Sheekh Axmed ayaa ujeedada socdaalkooda Magaalada Baledweyne waxa ay la xiriirtaa gargaar ay u wadaan shacabka Magaalada Baledweyne.

“Dhowr saacadood oo garoonka diyaaradaha ay ku xayirnaayeen Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif hada ayaa la fasaxay diyaaradii magaalada Beledweyne u qaadi lahayd iyaga iyo wafdigooda oo gargaar u waday shacabka reer Beledweyne ee fatahaadaha wax yeeladu ka soo gaartay. Amarka lagu celiyay diyaarada Madaxweyneyaasha qaadi lahayd ayaa la sheegay in ay bixisay Hay’adda Nabad Sugida.”Ayuu yiri Mahad Salaad.

Mahad Salaad ayaa sheegay in NISA dhawr mar ay is hortaag ku sameysay dad kala duwan oo Garoonka ka dhoofi lahaay, balse taasi aysan aheyn dhaqan dowladnimo.

“Dhowr jeer hore ayay dhacday dad safraya oo Hay’adda Nabad Sugida is hortaag ku sameysay. Arintaan ayaa ka dhigan dhaqan aan wanaagsanayn oo dowladnimada wax loogu dhimayo soona nooleynaysa dhaqamo xun xun oo dadka Soomaaliyeed ka bogsoodeen.”

SHARE