Home Wararka Maanta Wafdi ka socda dowladda Kenya oo gaaray Kismaayo

Wafdi ka socda dowladda Kenya oo gaaray Kismaayo


Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa goor dhaw waxa ay ka dageen Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose, iyadoo maanta ay dhaceyso Xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaayo hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaalle.

Diyaarada ay la socdeen xubnaha Wafdigaan ayaa ka soo kacday Magaalada Nairobi waxayna si toos ah uga dagtay Magaalada Kismaayo.

Tagitaanka Wafdigaan Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo dowladda Somaliya amar ay soo saartay, kaasi oo ahaay diyaarad aanan soo marin Muqdisho inaysan ka dagi karin Kismaayo.

Wafdiga Xildhibaan Aadan Barre Ducaalle ayaa jabiyay amarkii dowladda Federalka Somaliya waxayna si toos ah uga dageen Magaalada Kismaayo.

Lama oga tallaabada ay qaadi doonto dowladda Federalka Somaliya ee ku aadan diyaaradan wafdiga gaysay Magaalada Kismaayo.

SHARE