Home Wararka Maanta Ugaas Xasan oo ka hadlay sababta ay u diideen Ciidan Baledweyne laga...

Ugaas Xasan oo ka hadlay sababta ay u diideen Ciidan Baledweyne laga qaado oo Dhuusamareeb la geeyo

Iyadoo Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ku sugan yihiin Saraakiil ka socota Taliska qaybta 21aad ee Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa Odayaasha dhaqanka Magaaladaasi waxa ay diideen Ciidan in laga qaado Magaalada Baledweyne oo la geeyo Dhuusamareeb.

Dowladda Somaliya ayaa la sheegay inay amartay Ciidamo Boolis ah in laga kaxeeyo Magaalada Baledweyne lana geeyo Magaalada Dhuusamareeb si ay uga qayb qaataan qorshaha suggida ammaanka Magaaladaasi.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Odayaasga reer Hiiraan ay ka go,do talada Gobolkaasi ayaa sheegay inaysan diidin Ciidamo dowladeed, balse sida uu sheegay ay diideen wiilal macamuusyo wata in Baledweyne laga aruuriyo.

Ugaas Xasan ayaa sheegay wiilasha macamuusyada wata in laga soo kala aruuriyay Degmooyinka Gobolka Hiiraan sidaasi oo ay tahayna aysan dooneyn in Magaaladaasi laga qaado oo la geeyo Dhuusamareeb.

Wuxuu sheegay inuusan garaneyn madaxda dowladda ujeedada ay ka leeyihiin Magaalada Baledweyne, maadaama Ciidamada Booliska ah ee jooga lagu fiirsaday sida uu yiri direes la,aan.

Ugu dambeyn Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka dalbaday dowladda Federalka Somaliya in laga dulqaado culeyska kaga yimid dhanka Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka dambeyso dowladda Somaliya.

SHARE