Home Dhacdooyinka Taliye laayay Shabaab badan oo lagu xiray qol ay Shabaab ku xiran...

Taliye laayay Shabaab badan oo lagu xiray qol ay Shabaab ku xiran yihiin

Taliyihii Ururka 49aad, Guutada 10aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Degmada Baardheere, Gaashaanle Faarax Maxamed Turbac oo billihii ugu dambeeyay ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa waxaa walaac laga muujinaya xaaladiisa amni.

Gaashaanle Faarax Maxamed Turbac ayaa waxay ehelkiisu sheegeen xaaladiisa caafimaad iyadoo aanay wanaagsanayn in hadana qol lagula xiray maleeshiyadii uu dagaalka adag kala dhaxeeyay.

Maxamed Aadan Rukow oo ka mid ah ehelada Taliyaha xiran ayaa sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar uu kaga xiran yahay qol ay ku xiran yihiin maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab, oo maxkamadi ay xukuntay.

Rukow oo ka waramay walaaca ay qabaan ayaa yiri “Muddo dhawr bilood ayuu ku xiran yahay Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo dowladdu ay ku xirtay. Faarax Maxamed caafimaad ma haysto, daryeelna meesha kuma haysto. Waxaa lala xaray raggii markii horeba uu u dakanaysnaa. Marka arrintaasaa walaac ka muujinaynaa.”

Waxa kaloo uu yiri “Sidaan idin sheegay ragga lala xiray waa raggii Shabaab ee lagu soo qabtay ayagoo falal amni-darro gacanta kula jiro, oo maxkamadi soo xukuntay baa qol lagula xiray.”

Rukow oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa yiri “Maalmihii u dambeeyay aad buu uga cabanaayay inay jiraan shakhsiyaad Shabaab ah oo loo adeegsanayo inay meesha ku dhex dilaan. Arrintaas inuu ka cabsi qabo buu inoo sheegay.”

Mar uu ka hadlayay waxa uu ka bedelay amniga Baardheere iyo hareeraheeda ayaa wuxuu yiri “Faarax markii Baardheere loo soo magacaabayay magaalada waxay ahayd meel amni-darro ka jiro, oo dadka inta badan lagu laayo, intii uu xilka haayayna wax badan buu qabtay, deegaano badan oo Baardheere hoos yimaadana wuu xoreeyay.”

Gaashaanle Turbac ayaa lagu xusuustaa in si adag uu maleeshiyada Ururka Al Shabaab ugula dagaalamay Degmada Baardheere iyo deegaanada kale ee hoos-tagga, isaga oo markasta ka hadli jiray guulaha ay ka gaaraan Shabaabka.

Sarkaalkan oo joogga Degmada Baardheere ayaa waxaa lagu soo xiray amar ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya, isagoo lagu haysto hawlgalo uu hogaaminayay oo lagu laayay maleeshiyada Al Shabaab.

Dowladda Somaliya ayaa waxay ehelada Sarkaalkaasi u sheegtay inaanay iyadu ku dhegnayn ninkaasi, oo cidda uu u xiran yahay ay yihiin hay’adaha xuquuqda aadanaha, sababo ku aadan isagoo amray in la laayo maleeshiyaad Shabaab ka tirsan oo dagaalada lagu qabtay.

Shabaabka oo si joogto ah u laaya shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaan jirin cid soo dacweysa iyo dowlad isu hawsha inay soo qab qabato Shabaabkii dadka laayay, waxaase wax lala yaabo ah Saraakiishii la dagaalamaayay in lagu soo eedeeyo waxay laayeen dagaal-yahano Shabaab ka tirsan.

SHARE