Home Wararka Maanta Taliyaha qaybta Booliska Nugaal oo shaqadii laga joojiyay

Taliyaha qaybta Booliska Nugaal oo shaqadii laga joojiyay

Warar soo baxa ayaa sheegaya in shaqada laga joojiyay Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal, kadib khilaaf isaga & Taliyaha Booliska Puntland soo kala dhex galay.

Muumin Cabdi Shire ayaa waxaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Booliska Puntland Muxiyaddiin Axmed Muuse.

Wareegtada shaqada looga joojiyay Sarkaalkaan ayaa la ogeysiiyay Madaxweynaha Puntland, waxaana lagu eedeeyay Sarkaalka amar diido inuu sameeyay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland ayaa sheegay khilaaf soo socday isbuucyadii la soo dhaafay inuu sababay shaqo joojinta lagu sameeyay Sarkaalkaan.

Wali kama uusan hadlin Sarkaalka shaqo joojinta lagu sameeyay talaabada uu ku kacay Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jeneraal Muxudiin.

SHARE