Home Wararka Maanta Taliska Amisom oo iclaamiyay guluf ka dhan ah Ururka Al Shabaab

Taliska Amisom oo iclaamiyay guluf ka dhan ah Ururka Al Shabaab

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa sheegay in Xoogaga Nabad Ilaalinta iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay qaadayan guluf militari oo ka dhan ah Deegaanada Ururka Al Shabaab uu ka arrimiyo.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta Amisom, Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa shaaca ka qaaday inay dardar-gelinayan hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Wakiilka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in labada ciidan ay qaadi doonaan guluf ballaaran, si Shabaabka looga sifeeyo wadooyinka ay sahayda u maraan ciidamada iyo badbaadinta xarumaha bulshada.

Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay sidii Ururka Al Shabaab looga fara maroojin lahaa dhulka uu maamulo, laguna soo gelin lahaa gacanta Dowladda Federaalka Somaliya.

Amb. Madeira ayaa soo hadalqaaday xiriirka u dhaxeeya Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana uu ku sheegay mid aad u wanaagsan.

Hadalka ka soo yeeray Madaxa Ciidanka Midowga Afrika ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli Ciidanka Xoogga Dalka ay gobolada qaarkood ka wadaan diyaargarowgii ugu dambeeyay, ee ay ku wajahayan dhulka Al Shabaab.

7-dii bishan ayay ahayd markii Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

SHARE