Home Wararka Maanta Suxufi ka tirsan Warbaahinta dowladda oo ku dhintay Awdheegle

Suxufi ka tirsan Warbaahinta dowladda oo ku dhintay Awdheegle


Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose Wariye ka tirsan Warbaahinta Codka Ciidamada ayaa ku dhintay dagaalka Shabaab ay ku qaadeen Degmadaasi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wariye Gacal Cabdulle Gacal uu ku dhintay Qaraxa Ismiidaaminta ah ee Shabaab ay ku weerareen Awdheegle kaasi oo ay u adeegsadeen Gaari waxyaabaha Qarxa laga buuxiyay.

Inkastoo illaa hadda si rasmi ah aanan loo ogayn Khasaaraha ka dhashay dagaalka Awdheegle, ayaa haddana Saraakiisha Ciidamada Militariga waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaaro.

Dadkii deganaa Degmada Awdheegle ayaa intooda badan ka barakacay Magaalada kuwaasi oo u baxsaday dhanka Mubaarak iyo Daanyeerey.

Ciidamada Shabaab ee weeraray Degmada Awdheegle ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin Ciidan aad u badan oo saanad Militari oo kala duwan sita.

Wariyaha u shaqeeya Warbaahinta dowladda ee Qaraxa ku dhintay ayaa si gaar ah muuqaal duube ugu ahaay Taliyaha Ciidamada Lugta ee Militariga Somaliya Odawaa Yuusuf Raagge.

SHARE