Home Wararka Maanta Siyaasiyiinta oo dowladda si adag ugu dhaliilay caleemo saarka Axmed Madoobe

Siyaasiyiinta oo dowladda si adag ugu dhaliilay caleemo saarka Axmed Madoobe

Dhinacyadii ka qaybgalay xafladda caleemo saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadalo ka jeediyay xafladda ayaa dhaliilo u jeediyay Dowladda Federaalka Somaliya.

Xafladda oo ka qabsoomtay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid C/laahi Deni, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliya, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Shariif Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa kaloo ku sugan Madaxweyne-yaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, siyaasiyiin, odayaal, waxgarad, aqoonyahano iyo marti sharaf kaloo badan. Marti sharafta ka qaybgashay ayaa waxaa laga xusi karaa Hoggaamiaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo wafdi uu horkacayo saaka gaaray Magaalada Kismaayo.

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay madasha caleemo saarka ayaa dowladda ku dhaliilay in ay cunaqabateysay shacabka reer Jubbaland, xilli sida uu sheegay ay dhibaato adag ka soo gudbeen.

Shariif Sheekh Axmed oo soo hadalqaaday arrimaha doorashada dalka ayaa sheegay inaanay fileynin in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, isla-markaana aanay saan saanteedu muuqan.

Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dowladdu ay ka gaabisay hawshii loo igmaday, isagoo intaa ku daray in shaqadii looga baahnaa ay baal martay.

Guuleed ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in wada tashi la geliyo go’aanka siyaasadeed ee dalka, iyadoo uu waxgaradka Soomaaliyeed ugu baaqay in dalka la badbaadiyo, ayna doorkoodu ka qaataan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo naqdiyay Siyaasadda Villa Somalia ayaa dhanka kale ku baaqay in ay wada hadlaan dowladda iyo reer Jubbaland.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in dowladdu ay dhibaato culus la kulmi doonto, haddii ay isu daydo in doorashada ka leexiso wadadii loogu talagalay.

In Warsame oo dhaliilay hannaanka shaqo ee dowladda ayaa Madaxda Qaranka kaga digay inay muddo kororsi sameeyan, isaga oo ku baaqay in doorashada 2021 ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay inaanay Dowladda Federaalka aqoon wada hadal iyo in isu tanaasul la sameeyo.

“Dowladii aan ka Tirsanaa ma Taqaano Wada-hadal iyo Tanaasul waa in laga adkaado ama ay adkaato.” Ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay munaasabadda caleemo saarka.

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa Dowladda Somaliya ku eedeeyay in meel halis ah ay dalka ku wado, waxaana uu ku baaqay in laga tashado.

Senator Muuse Suudi oo ka hadlayay munaasabadda Magaalada Kismaayo ayaa xusay in amar kasta oo ka soo baxa Madaxtooyada Somaliya uu soo saaro Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

“Waxaan codsanaa in la tashado, dalka ceel ayuu ku dhacay, amar walba ee soo baxa waxaa soo saara Farmaajo, amarkiisa ayay wax walba ku dhacaan.” Ayuu yiri Muuse Suudi.

Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxmauud (Faroole) oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa dhankiisa Dowladda Federaalka ku dhaliilay in ay caqabad ku tahay Nidaamka Federaalka Dalka.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay in ay burburin wado, ha yeeshee waxaa uu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay dib u heshiisiin.

“Ficilka maanta socda waa burburin, marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha dib u heshisiiniin.” Ayuu yiri Senator C/raxmaan Faroole.

Siciid C/laahi Deni, Madaxweynaha Maamulka Puntland oo xafladda ka hadlay ayaan sidii looga baran ugu dheeraan eedeymaha uu u jeediyo Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Deni ayaa shacabka reer Jubbaland ugu baaqay inaanay ka gaabin dariiqa wada hadalka iyo isu tanaasulka, waxaana uu yiri “Waxaan kula dardaarmayaa reer Jubbaland in aysan ka daalin dariiqa Wada hadalka iyo tanaasulka.”

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ugu dambeen xafladda ka hadlay ayaa muujiyay in Jubbaland ay diyaar u tahay wada hadalo ay ka gasho khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Villa Somalia ayaa horey u diiday in ay aqoonsato tallaabada marka labaad lagu soo doortay Axmed Madoobe, waxayna taasi bedelkeeda soo jeeday in doorasho ku celis ah la qabto.

SHARE