Home Wararka Maanta Sida diiran ee Audrey Azoulay loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Sida diiran ee Audrey Azoulay loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Audrey Azoulay, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Waxbarashada, Dhaqanka & Sayniska ee Qaramada Midoobey (UNESCO) ayaa Talaadadii booqasho rasmi ah ku timid Magaalada Muqdisho.

Haweeneydan ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirada Waxbarashada iyo Qorsheynta Somaliya, oo uu wehlilanayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan.

Haweeneydu waxaa la geeyay qaybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde, halkaasoo ay qaddar daqiiqado ah ku wada qaateen Wasiirka Waxbasharada, Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga, Jamaal Maxamed Xasan iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya.

Haweeneydan oo gaadiid loogu galbiyay Aqalka Madaxtooyada Somaliya ayaa waxay kula kulantay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, oo ay yeesheen shir lagu lafa-guray xoojinta Wadashaqaynta Somaliya iyo UNESCO.

Wasiirka Waxbarashada Somaliya iyo Audrey Azoulay ayaa Villa Somalia ku wada saxiixay heshiis ku qotoma wecyigelinta baahida loo qabo in la kordhyo maalgashiga waxbarashada ee dalka iyo sidii loo ilaalin lahaa Hidaha & Dhaqanka Soomaalida, iyadoo la isticmalayo tiknoolajiyada casriga ah

Sidoo kale Wasiirka iyo haweeneydan oo si wadajira shir jaraa’id ugu qabtay Qasriga Villa Somalia ayaa ku dheeraday ka hadalka arrimahan. Wasiirka Waxbarashada Somaliya waxa uu sheegay inay Somaliya aaminsantahay in dhaqanku qayb ka yahay sooyaalka bulshada iyo jiritaankeeda, isla-markaana uu muhiim u yahay horumarka iyo hiigsiga mustaqbalka.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ku biiridda Somaliya ee cahdiyada UNESCO ee 1972 iyo 2003, ay horseed u noqon doonaan in la dhawro goobaha taariikhiga ah, dib loo soo noolleeyo Hido-dhaqameedka, laguna daro diiwaanka caalamiga ah, ee goobaha taariikhiga ah ee caalamka.

Geba-gebada shirka jaraa’id ayaa waxaa haweeneydan la guddoonsiiyay dharka Hidaha & Dhaqanka Soomaalida, ee ay haweenku xirtaan, iyadoona ka guddoontay gabar loo wakiishay inay u hidiyadeyso. Sidoo kale gabadhu waxay ka ahayd xubnihii diyaaradda afkeeda ku soo dhaweeyay marwadaan.

Dhanka kale Haweeneydan ayaa waxay kormeer ku tagtey Xarunta Madxafka Qaranka ee Magaalada Muqdisho, kuna yaala agagaarka Madaxtooyada Somaliya. Haweeneydu waxaa ay goobtaasi booqatay, xilli uu dib u cusbooneysiin ku socdo.

Audrey Azoulay ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii loo galbiyay Xarunta UNSOM ee ku dhex taala Xarunta Xalane, waxa ayna si wadajira sawirran ugu wada galeen Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Somaliya, Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf, Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan iyo Kuxigeenkiisa Adam Abdelmoula.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

SHARE