Home Wararka Maanta Shirka Tubta Horumarinta Dhaqaalaha oo looga hadlay qodobo kala duwan (SAWIRRO)

Shirka Tubta Horumarinta Dhaqaalaha oo looga hadlay qodobo kala duwan (SAWIRRO)

Shirka Gudi Hoosaadka Tubta Horumarinta Dhqalaha iyo Howlaha guud ee Maamulka Gobalka Banaadir ayaa maanta lagu Qabtay Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar

Waxaa Shirkan Shir Gudomiye Ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Mudane Ibraahim Cumar Mahadale Ibrahim Dheere

Shirka Gudi Hoosaadka Tubta Horumarinta dhaqalaha iyo Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa maanta loogu hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen wax qabadkii Gudiga Hoosaadka Tubta Horumarinta Dhaqalaha iyo Howlaha guud, taasi oo ay ugu horeeyeen dardar gelinta Horumarinta Caasimadda iyo howlaha guud, dib-u-dhiska Bulaacadaha iyo Biyo qabadka Magaalada, dhismaha wadooyinka, iyo goobaha danta guud.

Shirka Tubta Gudi Hoosaadka Horumarinta Dhaqalaha iyo Howlaha guud ee Maamulka Gobalka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Agaasimayasha Waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar.

SHARE