Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dagaalkii Awdheegle

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay dagaalkii Awdheegle

Kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirada jamhuuriyadda federaalka Somaliya ayaa lagu ammaanay guulaha xoogan ee ciidamada xoogga dalku kasoo hooyeen furimaha dagaalka iyo howlgalada kale ee lagu baacsanayo maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka XFS oo ka war bixiyay kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in goluhu uu si gaar ah u bogaadiyay guulaha ay ciidanku ka soo hooyeen dagaalkii Degmada Awdheegle iyo jabka ay gaarsiiyeen argagixisada.

Intii uu shirku socday ayaa Golaha Wasiiradu waxa ay ansixiyeen is-afgarad u dhexeeya Wasaaradaha Shaqada ee Dowladaha Somaliya iyo Turkiga.

Golaha Wasiirada Somaliya ayaa sidoo kale ka hadlay saameynta dhaqaale ee bulshada Soomaaliyeed uu ku yeelanayo qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee horyaala Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

SHARE