Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo looga hadlay weerarkii Awdheegle (SAWIRRO)

Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo looga hadlay weerarkii Awdheegle (SAWIRRO)

Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa maanta shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, waxaana shirka goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shir guddoomiyay shirka Khamiislaha ee ay yeeshaan Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Shirka maanta ayaa waxay dhinacyadan kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda guud ee Deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag ayaa ka warbixiyey xaaladda amni ee Koonfur Galbeed, iyadoona uu dheegey in weerarkii maleshiyada Al Shabaab ay ku qaaden Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose lagu gaarsiiyay jab xoogan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka warbixiyey howlgalkii u dambeyey Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Darawiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen deegaano hoos-yimada Magaalada Baydhabo, kaasi oo maxabiis ay u xirneyd lagaga soo furtay Al Shabaab.

Shirka inta uu Socday waxaa sidoo kale looga hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaaladda Baydhabo, oo lagu dilay dad shacab ah oo aanu waxba galabsan. Dilalkan ayaa salka ku haya aanooyinka xagga beelaha.

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Darawiishta Koonfur Galbeed howlgalada ay iska kaashanayan, ee ay ka wadaan Gobolada Baay, Bakool & Shabellaha Hoose.

SHARE