Home Wararka Maanta Shir maanta ka furmay Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Shir maanta ka furmay Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Gudoomiye-yaasha Gobolada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu maanta uu shir uga furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shirkan ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, oo uu wehlinayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad.

Wariye-yaasha Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in shirka ay goobjoog ka yihiin dhammaan Gudoomiye-yaasha Gobolada & Degmooyinka Koonfur Galbeed, ayna kala qaybgalayan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, C/laahi Aadan Maxamed (Farey), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mustaf Sheekh C/laahi iyo hay’adaha wada shaqaynta la leh Dowladaha Hoose iyo gargaarka bani’aadanimo.

Shirka ayaa waxaa looga hadlaya arrimo ay ka mid yihiin horumarka la gaaray, sidii loo dardar-gelin horumarkaasi iyo maamul wanaagga.

Madasha uu shirka ka furmay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi.

SHARE