Home Wararka Maanta Shil Gaari oo saakay ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Shil Gaari oo saakay ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Shil khasaare geystay ayaa saakay oo Talaado ah ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan ka soo horjeedka Isbitaalka Al-Biri.

Shilkan ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo Caasi ah, kuwaasi oo si xawli ah ku socday.

Labada Gaari ayaa mid ka mid ah ka yimid Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halka midka kalena uu ka baxay Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta Garas-baaley ayaa xaqiijiyay in shilkan ay ku dhaawacmeen ilaa Lix ruux oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur.

Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa la geeyay Isbitaalka Al-Biri, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo.

Waxaa dib u furantay wadada uu shilka ka dhacay, kadib markii la kala qaaday labada Gaari ee isku dhacay.

Shilalka Gaadiidka ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo Duleedkeeda ayaa maalmahan dambe soo batay, sababo la xiriira burburka wadooyinka qaar.

SHARE