Home Wararka Maanta Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo loo doortay Gudoomiyaha KMG Baarlamaanka Jubbaland

Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo loo doortay Gudoomiyaha KMG Baarlamaanka Jubbaland

Xildhibaan Sheekh Cabdi Yuusuf Cali oo noqday Xildhibaanka ugu da’da Baarlamaanka 2aad Jubbaland ayaa waxaa maanta loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka Jubbaland.

Gudoomiyaha KMG ayaa waxa uu xilka sii hayn doonnaa inta laga soo dooran doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland iyo Kuxigeenadiisa.

Guddoonka KMG Baarlamaanka Jubbaland ayaa maarayn doona fadhiyada Baarlamaanka, oo shaqooyin muhiim ah ay horyaalaan inta aan la soo dooran Guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland oo maanta lagu dhaariyay Magaalada Kismaayo ayaa si ku meel gaar ah u doortay inuu shaqada Baarlamaanka sii haggo Sheekh Cabdi Yuusuf Cali.

Xildhibaanadan ayaa waxaa xalay soo magacaabay Guddiga Doorashada Jubbaland, iyadoo isla maanta Magaalada Kismaayo looga dhawaaqay Xildhibaano kale, oo ay soo magacaabeen Guddiga Midowga Musharaxiinta Mucaaradka.

Guddiga Doorashada Jubbaland oo loo xagliyo dhinaca Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa shaki badan laga muujinaya sida ay dhexdhexaad uga noqon karaan tartanka adag ee la fillaya in uu dhawaan ka qabsoomo Magaalada Kismaayo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa horey u sheegtay inaanay aqoonsan doonin natiijada Doorashada Jubbaland.

SHARE