Home Wararka Maanta Shariif & Xasan Sheekh oo la kulmay Ugaas Xasan (SAWIRRO)

Shariif & Xasan Sheekh oo la kulmay Ugaas Xasan (SAWIRRO)

Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray Magaalada Baledweyne ayaa kula kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.

Masuuliyiintan ayaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo qaybaha bulshada qaarkood ayaa Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya ku soo dhaweeyay afaafka hore ee hoyga Ugaas Xasan.

Dhinacyadan oo kulan muddo kooban socday ku yeeshay hoyga Ugaas Xasan ayay kaga wada hadleen dhibaatada ka dhalatay fatahaadihii ku dhuftay Magaalada Baledweyne iyo sidii si wadajira loogu gurman lahaa shacabka ku barakacay duleedyada magaaladaasi.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnihii kale ee la socdayba uu la wadaagay xogta ay ka hayaan inta ay dhibaatadu gaarsiisan tahay.

Shariifka iyo Xasan Sheekh oo ka wada tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay Magaalada Baledweyne u taggeen, sidii ay u soo qiimayn lahaayeen waxyeelada ka dhalatay fatahaadaha, xilli toddobaadkii hore ay iclaamiyeen in laba boqol kun oo dollar, ay ugu talagaleen inay kaga qayb qaataan gurmadka fatahaadaha.

SHARE