Home Wararka Maanta Shabaab oo weerar ka gaystay dalka Kenya

Shabaab oo weerar ka gaystay dalka Kenya


Dabley hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa waxa ay weerar ka gaysteen deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee gudaha dalka Kenya.

Raggaan hubaysan ee Shabaab ka tirsan ayaa weeraray deegaan ka tirsan Garisa & deegaan hoostagga Magaalada Mandhera.

Weerarka koowaad ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Yunbis oo dhaca duleedka Magaalada Garisa, waxaana halkaasi ay ku beegsadeen gaadiid ay leeyihiin Hay,addaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Gobolka Waqooyi Bari.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkaas, waxa ay sheegeen inay ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida UN-ka sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen laba Nin oo mid ka mid ah uu ahaa Darawalka Gaariga.

Ma jirto war ka madax banaan Shabaab oo xaqiijinaya sheegashada ku aadan inay gubeen gaariga UN-ka ay leeyihiin.

Sidoo kale dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaan lagu magacaabo Sinow oo ku yaallo duleedka Mandhera waxa ay sheegteen Shabaab halkaasi inay ku dileen wiil & Aabihiis oo Ciidamada Kenya ka tirsan.

Weeraradan oo Shabaab ay fuliyeen saacadihii la soo dhaafay ayaa Saraakiisha Kenya wali aysan ka hadlin.

SHARE