Home Wararka Maanta Shabaab oo sheegtay inay Muqdisho ku dileen Rag ka tirsan Sirdoonka Dowladda

Shabaab oo sheegtay inay Muqdisho ku dileen Rag ka tirsan Sirdoonka Dowladda


Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dil loo gaystay laba dhalinyaro ahaay oo xalay lagu dilay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.

Shabaab waxa ay sheegteen dhalinyarada ay dileen inay ahaayeen Sirdoon u shaqeynaayay dowladda Federalka Somaliya gaar ahaan qaybta Nabad Suggida ee dharcadka loo yaqaan.

Waxa ay ku sheegeen magacyada labadaasi xubnood ee Shabaab ay dileen Ismaaciil Bootaane Khayre & Cabdi Jareere.

Labadaan dhalinyaro ayaa lagu toogtay Istuudiyo ku yaallo Xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaana dilkooda fuliyay rag hubaysan oo Bistoolado watay.

Muqdisho ayaa waxaa dhex buuxa Ciidan badan oo dharcad ah kuwaasi oo ay sameysay dowladda Federalka Somaliya, qaarkood dadka caadiga ayaa garanaya halka qaarna ay yihiin kuwa aanan la aqoon.

Al Shabaab ayaa inta badan hela macluumaadyada Ciidanka dharcada ee dowladda Federalka Somaliya.

SHARE