Home Wararka Maanta Shabaab oo shaaciyay magaca & qabiilka uu ka soo jeedo ninkii hoggaaminaayay...

Shabaab oo shaaciyay magaca & qabiilka uu ka soo jeedo ninkii hoggaaminaayay weerarkii Hotel Cas Casey

Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay magaca & qabiilka Sarkaalkii hoggaaminaayay weerarkii lagu qaaday Hotelka Cas Casey ee ku yaallo Magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu dilay dad gaaraya 26 ruux.

Xasan Sheekh Nuur Kalaashi oo ku magac dheer (Zubeyr) oo ka soo jeeda Beesha Eelay, ayaa noqday ninkii hoggaaminaayay weerarkaasi Hotelka lagu galay ee dadka badan lagu laayay.

Ninkaan ayaa muddo ka mid ahaay Ururka Al Shabaab, waxaana uu ugu dambeyn ku dhintay Hotelka Cas Casey ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo Shabaab ay dad badan ku dleen.

Wareysi Idaacadda Andalus ay ka qaaday intii uu socday hawlgalkii ay ku galeen Hotelka ayaa wuxuu ku sheegay inay laayeen dad badan oo Hotelka joogay, islamarkaana qolalka ay ugu galeen dadka qaar.

Waxa uu sheegay dadka ay dileen inuu ka mid ahaa nin ajnabi ah oo joogay Hotelka Islamarkaana ay hubsadeen inay dileen ninkaasi.

2009 ayuu ka mid noqday Shabaab ninkaan,  waxaana uu ka soo shaqeeyay Maktabka Shabaab ay u yaqaaniin Fursaanta ee Gobolada Shabaab ay maamulaan ka hawlgala.

SHARE