Home Wararka Maanta Shabaab oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay Gobolka Galgaduud

Shabaab oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay Gobolka Galgaduud

Dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab ayaa waxay maanta dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabeen Gobolka Galgaduud, maalin uun ka dib, markii Ciidanka Xoogga Dalka ay gobolkaasi kaga dhawaaqeen guluf ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay hawlgal ballaaran oo Ururka Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Galgaduud & Mudug.

Dagaal-yahanada Shabaabka ayaa waxay dhaqdhaaqyadan ka wada deegaanada hoos-tagga Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyagoo isla maanta la wareegay Deegaanka Qaayib oo 90km u jira Cadaado.

Dagaal-yahanada Shabaabka oo watay gaadiidka dagaalka ayaa bilaa dagaal kula wareegay deegaankaasi, haddii aanay ka hawgelin Ciidamada Maamulka Galmudug.

Shabaabka ayaa waxaa la soo sheegaya in deegaankaasi ay maanta ka furayn maxkamad, taasoo ay sheegeen in si cadaalad ah ay ugu adeeggi doonto dadka garsoorka u baahan.

Dadka deegaanka ayaa waxay ka walaacsan yihiin qorshaha ay Shabaabka kula wareegeen Qaayib, iyagoo ka baqdin qaba in ay dagaal ku soo qaadaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Xoogga Dalka.

Dhaqdhaqaaqyada Shabaabka ka bilaabeen Gobolka Galgaduud iyo tallaabada ay kula wareegeen Deegaanka Qaayib ayaa waxaa loo fishay mid ay ugu jawaabayan gulufka ay Ciidanka Xoogga Dalka kaga dhaqaaqeen gobolkaasi.

SHARE