Home Wararka Maanta SAWIRRO: Taliyaha Booliska oo Jabuuti tababar ugu soo xiray Ciidamo

SAWIRRO: Taliyaha Booliska oo Jabuuti tababar ugu soo xiray Ciidamo

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya ayaa Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti wuxuu tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Somaliya.

Ciidankaan ayaa muddo saddex bilood ah tababar ku qaadanaayay dalkaasi Jabuuti, ugu dambeyna maanta ayaa loo soo xiray tababarka.

Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Talyaaniga ayaa tababarkaan bixinaayay, waxaa wehlinaayay Saraakiil u dhalatay dalka Jabuuti.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa la filayaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galaan feestada Ciidamada Booliska oo bishan gudaheeda dhaceyso.

SHARE