Home Wararka Maanta SAWIRRO: Amisom oo soo bandhigtay gaadiid casri ah oo dagaalka lagu dardar-gelinayo

SAWIRRO: Amisom oo soo bandhigtay gaadiid casri ah oo dagaalka lagu dardar-gelinayo

Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa Talaadadii Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay gaadiid casri ah, oo sida la sheegay lagu dardar-gelin doono dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

Gaadiidkan oo tiradooda lagu sheegay labaatan gaari, kuwooda aanay rasaasta karin ayaa waxaa dalka keentay Dowladda Burundi, si ciidamadeeda qaybta ka ah Amisom ugu xoojiyan dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero argagixisada.

Xoogaga Burundi oo ay wehliyan Ciidamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayuu waajib ka saaran yahay inay taageeraan Ciidamada Amniga Somaliya, isla-markaana ay jebiyaan kooxaha argagixisada.

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Amb. Francisco Caetano Madeira oo tagey goobtii lagu soo bandhigayay gaadiidkan ayaa kormeer ku soo sameeyay.

Wakiilka ayaa sheegay in gaadiidkan ay xoojinayan awoodda Xoogaga Amisom ee dagaalka kula jira Ururka Al Shabaab, isla-markaana ay qayb ka noqon doonaan bad-qabadka askartooda.

Francisco Caetano Madeira ayaa qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Amisom ku sheegay in ciidamadooda ay u baahan yihiin wax ay gaashaan ka dhigtaan, inta buu yiri ay cadowga la dagaalayaan.

Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo laba iyo toban sano dalka ku sugan ayaa adag kula jira Ururka Al Shabaab, oo ka biyo diidan joogitaankooda dalka iyo jiritaanka Dowladda Federaalka Somaliya.

SHARE