Home Wararka Maanta Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Sarkaal ka tirsanaa Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Saraakiisha Ciidamada dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa Magaciisa waxaa ay ku sheegeen Yaroow Xasan Aaden, balse Shabaab dhexdooda looga yaqaanay (Seyfu-Laah),waxana la sheegay in uu isku dhiibay Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Xiriir uu la soo sameeyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee Degmada Xudur ayeey ugu suuragashay inuu isku soo dhiibo.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu qaabilsanaay isku xirka Ciidamada Shabaab & Saraakiishooda, waxaana uu ka hawlgali jiray Gobolka Bakool.

Waxa uu hadda ku sugan yahay Magaalada Xudur ee Gobolkaasi, halkaasi oo saraakiisha Ciidamada ay ku wareysanayaan.

Muddooyinkii dambe xubno badan oo ka tirsan Shabaab ayaa isku soo dhiibay dowladda Federalka Somaliya.

SHARE