Home Wararka Maanta R/Wasaare Khayre oo gaaray Magaalada Xudur

R/Wasaare Khayre oo gaaray Magaalada Xudur

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Xudur, iyadoo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta gaaray Magaalada Xudur ayaa horudhac u ahaa wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Boqolaal ka mid ah shacabka reer Xudur oo loo soo diyaariyay inay ka qayb qaataan soo dhawaynta wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa la arkaayay iyagoo si diiran ugu soo dhaweynaya Garoonka Xudur.

Xasan Cali Khayre, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo shalay lagu waday in uu gaaro Magaalada Xudur ayaa uga baaqday sababo aan la shaacin.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Xudur ayaa lagu soo daadiyay wadooyinka ku yaala magaaladaasi, waxayna yareeyeen dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee magaalada.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa deegaanada Koonfur Galbeed ka hirgelinaya mashaariic ay xukuumaddu ugu tala-gashay in lagu horumariyo.

SHARE