Home Wararka Maanta Puntland oo sheegtay in la xaliyay xiisaddii Magaalada Boosaaso

Puntland oo sheegtay in la xaliyay xiisaddii Magaalada Boosaaso

Maxamed Axmed Kulan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xal laga gaaray xiisaddii maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd Magaalada Boosaaso.

Xiisadan ayaa waxay ka dhalatay maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan iyo ciidan ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalintii Arbacada gudaha u soo galay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dhinacyadan ayaa waxaa la sheegay in ay ka gadoodeen Shirkadda PDG oo Dowladda Emirate-ka kala noqotay qandaraaskii adeeg siinta ee Ciidamada Badda Puntland (PMDF).

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaase beeniyay in ciidamadaasi ay ka horyimaadeen tallaabadii qandaraas bixinta loogala noqday Shirkadda PDG. Wasiiru Dowlaha ayaa intaa ku daray in wax kasta oo ciidamadasi ay ka cabanayeen la xaliyay.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta SBC ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay dib ugu noqdeen fariisimahoodii ay ka soo duuleen, oo ah Degmada Carmo ee Gobolka Bari, sida uu yiri.

Ciidamadan oo uu watay Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Daraawiishta Puntland oo lagu magacaabo Ciise Maxamuud Yuusuf (Ciise Yulux) ayaa waxay Jimcihii Magaalada Boosaaso kula kulmeen Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Shirkadda PDG ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa Ciise Yulux lagu qanciyay in ciidamada uu dib uga saaro magaalada, kuna celiyo fariisimaha ay ku leeyihiin Carmo.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay ballanqaadeen in wixii tabasho ah oo ay qabaan ganacsatada PDG ay wada hadal ku xalin doonaan, isla-markaana ay arrintaasi kala hadlayan Madaxda Puntland iyo cid kasta oo ay quseyso.

SHARE