Home Wararka Maanta NISA oo soo bandhigtay nin weerar gaysan rabay oo la qabtay

NISA oo soo bandhigtay nin weerar gaysan rabay oo la qabtay

Hay,adda Nabad Suggida Somaliya ayaa soo bandhigtay xalay nin dhalinyaro ah oo NISA ay sheegtay inuu weerar bam gaysan rabay, balse la soo qabtay inta uusan gaysan.

Barta Twiterka Hay,adda Nabad Suggida Somaliya ayaa la soo galiyay sawirka shaqsigaan oo aan la shaacin magaciisa & meesha uu weerarka ka gaysan rabay.

“Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh ayaa lagu yiri”qoraalka NISA.

Ma jirto faah faahin intaan ka baxsan oo Nabad Suggida Somaliya ay soo bandhigeen.

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay Barteeda twitter-ka ku baahineysay howlgallada ay fuliyaan ciidamada Amniga ee lagu soo qabto Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

SHARE