Home Dhacdooyinka Ninkii Dhuusamareeb lagu qabtay oo la geeyay Magaalada Baledweyne (SAWIRRO)

Ninkii Dhuusamareeb lagu qabtay oo la geeyay Magaalada Baledweyne (SAWIRRO)

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan la geeyay ninkii Arbacadii lagu soo bandhigay Magaalada Dhuusamareeb, ee la sheegay in uu dil ka gaystay Magaalada Baledweyne.

Ninkan ayaa waxaa Magaalada Baledweyne geeyay Saraakiil ka tirsan Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ka dib markii ay ka kaxeeyeen Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 13aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle C/raxmaan Macalin Maxamed Maxamuud (Tima-dheere) iyo Abaanduulaha Qaybta 21-aad, Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi oo tagey Baledweyne ayaa ninkaasi u gacangeliyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 27aad.

Gacan ku dhiiglaha oo qudhiisa ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa lagu magacaabaa Cismaan Cutubow Caroone, waxaana loo haystaa oo uu ku eedeysan yahay dil la sheegay in Baledweyne uu ugu gaystay nin kale.

Caroone oo ka soo baxsaday Magaalada Baledweyne ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku dhuumaaleysanayay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana gacanta ku soo dhigay Ciidanka NISA ee Galmudug, kuwaa oo ninkaasi ku wareejiyay Taliska Qaybta 21aad.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 27aad, Dhame Maxamed Amiin Aadan iyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Qaybta 27aad, Dhame Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa kaga mahadceliyay Taliska Qaybta 21aad wada-shaqayntooda.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Qaybta 27aad ayaa sheegay in ninkaasi ay si deg deg ahi sharciga ku horkeeni doonaan, isla-markaana ay cadaaladda marsiinayan.

Abaanduulaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi ayaa sheegay sababta ay juhdi ugu bixiyeen tagistooda Baledweyne ay muujinayso sida Ciidanka Xoogga Dalka uu diyaar ugu yahay fulinta shuruucda dalka.

Taliska Qaybta 21aad ayaa horey Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Qaybta 27aad ugu wareejiyay eedeysane lagu qabtay Magaalada Guriceel, oo ku eedeysnaa in qof uu ku dilay Magaalada Baledweyne, kaasoo iminka ku xiran xabsi ku yaala magaaladaasi.

SHARE